Advertisements
Wararka

M/weynaha Turkiga oo sheegay in ay howlgalo militari ka bilaabi doonaan xadka Syria…


Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu howlgalo milatari iyo duqeyn dhanka cirka ah ay ka bilaabi doonaan Bariga webiga Furat ee waqooyiga Suuriya oo xad wadaag la ah Turkiga.

Mr Erdogan ayaa digniin u diray maleeshiyada Kurdida mareykanka taageero ee (SDF) kana saari doonaan deegaanada ay kaga sugan yihiin wadanka Suuriya.

Waa amarkii ugu horeeyay si toos ah u bixiyo madaxweynaha Turkiga tan iyo markii xukuumada Ankara iyo Washington ay ku heshiiyeen in waqooyiga Syria laga sameeyo deegaan ka caagan Colaada.

Xilli uu daahfurayay kulanka sanad laha ee xisbiga AK sabtidii ayuu sheegay in howlgalka uu bilaaban doona saacadaha soo socda ama Axada Berito si kooxaha Argagixisada looga sifeeyo xadka Turkiga.

Erdogan ayaa ugu danbeyn sheegay in Milatariga Turkiga ay galeen diyaar garowgii ugu danbeeyay ayna heystaan tas-hiilaadka ay ku howlgali Lahaayeen.

Ciidanka Turkiga

Turkiga ayaa doonaya in uu iska yareeyo culeyska qaxootiga ee dalkiisa saaran waxaana uu marti galiyay qaxooti Suuriyaan ah oo tiradoodu dhan tahay 3.6 million oo u badan caruur iyo Haween.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: