Advertisements
Wararka

Manchester City oo ku dhacday afka Wolverhampton Wanderers kadib markii 2-0 looga…


Manchester City ayaa qabsatay guuldaradii labaad ee horyaalka premier League wareega 8aad, kadib markii 2-0 uga badisay kooxda Wolverhampton Wanderers, iyadoo weliba lagu ciyaarayey gurigeeda iyo gudaha taageerayaasheeda, guuldaradaasi waxay kooxdu u keentay inay sideed dhibcood ka hoos maraan kooxda hogaanka heysa ee Liverpool.

Weeraryahanka Wolverhampton Adama Traore, oo dhaliyay labada gool daqiiqadihii 80aad iyo afaraad ee waqtiga dheeraadka ah, ayaa ahaa xiddiga ciyaarta.

Wolverhampton ayaa leh 10 dhibcood, waxayna ku jirtaa kaalinta 11aad, halka dhibcaha Manchester City ay ku istaagtay 16 dhibcood oo kaalinta labaad kaga jirta horyaalka.

Waa guuldaradii labaad ee Man City ka soo gaarta xilli ciyaareedkan, horey waxaa sidoo kale uga soo adkaaday kooxda Norwich City, waxa ay badiyeen shan kulan isla markaana ay barbaro galeen hal kulan, halka tani ay tahay guushii labaad oo Wolverhampton ay ka gaarto Premier League halka ay ku dhacday labo guuldarro iyo afar kulan oo barbaro heleen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: