Advertisements
Wararka

Roob ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada oo ka da’ay qeybo ka mid ah Somalia…


Xilli biyo yaraan baahsan oo dadka iyo duunyada saameyn ku yeeshay ay ka jiraan gobolada koonfureed ee dalka ayaa waxay heleen raxmada Allah oo waxaa u da’ay roob deegaano ka tirsan gobolka Bay.

Gudoomiyaha baarlamaanka ee Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Shiikhunaa Maye oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo maanta ayaa sheegay in Roob mahiigaan ah uu ka Curtay gobolka kuwaasi oo dad iyo duunyaba ay ku diirsadeen.

Roobka ayaa la sheegay inuu sidoo kale ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka Gedo iyo deegaano ka tirsan Jubooyinka iyo gobolka waqooyo Bari Kenya gaar ahaan magaalada Mandera.

Maalmo ka hor ayaa roobka waxaa uu ka curtay deegaano ku yaal maamulka Soomaaliland waxaana roobka uu ku soo aadayaa iyadoo kuleyl iyo abaar daran laga dareemayo deegaanada ay degto bulshada Soomaaliyeed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: