Advertisements
Wararka

Dowlada Somalia oo ka digtay in leys hortaago qorshaheeda ku wajahan habraaca soo xulista…


Dowlada Soomaaliya ayaa ka digtay in leys hortaago qorshaheeda ku wajahan soo xulista xildhibannada iyo doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland, kaddib habraacii doorasho ee xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in qorshaha cusub ee soo xulista Baarlamaanka Jubbaland iyo doorashada Madaxweynaha Jubbaland ciddii ka hor timaada ay diidan tahay Nabadda.

“Cidkaste oo is hortaag ku sameysa qorshaha nabadeynta iyo maamul dhisidda waxaa loo aqoonsan doona Caqabad nabadda hor taagan waxaana lala tiigsan doona Sharciga” ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Khilaafka ka dhex taagan dowlada dhexe iyo maamul gobolleedka Jubbaland ayaa sababay in dowladda Soomaaliya ay xayiraad saarto Magaalada Kismaayo, taasoo ay kala kulantay falcelin aan wanaagseyn oo bulshada kaga timid.

Warkan ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa imaanaya xili magaalada Kismaayo looga diyaargaroobayo munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: