Advertisements
Wararka

Sacuudiga oo ka shaqeynaya sidii Sudan looga saari lahaa liiska wadamada maalgeliya…


Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in ay ka shaqeyneyso sidii dalka Sudan uu Mareykanka uga saari lahaa wadamada maalgaliya Argagixisada.

Qoraalkaan ayaa lagu shaaciyay bogga Twitter-ka ay ku leedahay wasaarada Arimaha dibada Sacuudiga kadib kulan Axadii ay wada qaateen Boqorka Sacuudiga iyo Madaxa golaha siyaadada ee Sudan Cabdifataax Al-Burhaan iyo Ra’isul wasaare Cabdala Xamduk.

Dowlada Mareykanka ayaa xukuumada Sudan waxay saartay cunaqabateyn sanadkii 1993-dii kadib markii lagu eedeeyay madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir in uu maalgaliyo kooxaha Argagixisada.

Dowlada ku meel gaarka ah ee Sudan ayaa la dhisay bishii Agoosto ee sanadkan kadib dibadbaxyo mudo bilo ah qaatay oo xilka looga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir oo sodon sano hayay Talada.

Wasiirka arimaha dibada Sudan Asmaa Cabdala ayaa bishii hore sheegtay in dowlada cusub ay muhiimadeeda koowaad ay tahay sidii Sudan looga saari lahaa diiwaanka dalalka maalgaliya Argagixisada Caalamka.

Ra’isul wasaare Cabdalada Xamduk ayaa bishii hore ka sheegay shirka 74-aad ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in shacabka dalka Sudan ay la dhibtoonayaan dhaqaalo darro, ayna cadaalad aheyn in lagu ciqaabo danbi ay gashay dowladii Hore.

Ugu danbeyn boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in ay qeyb libaax ah ay ka qaadan doonto sidii Sudan looga qaadi lahaa xayiraada dhaqaalaha ee saaran si sare loogu qaado kobaca Dhaqaalaha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: