Advertisements
Wararka

Farmaajo oo sheegay inaan la aqbali doonin cid kasta oo is hor-taagta dib u yagleelida…


Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in aanay marnaba aqbali doonin cid kasta oo is hor-taagta dib u yagleelida Qaranimada Soomaaliya, isla markaana aanu gorgortan ka geli doonin.

Khudbad uu ka jeediyay Furitaankii Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Labada Gole ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay dhageystaan cid kasta oo wax tabaneysa, isla markaana ay raalli gelinayaan cid kasta oo raalli gelin mudan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalo maldahan oo u muuqday kuwo ku socday Siyaasiyiinta Mucaaradka u jeediyay, isagoo tilmaamay in haddii ay jiraan kuwo raba inay dalka ku hoggaamiyaan si qasab ah, uu dalka ka soo gudbay xilligii jahwareerka ahaa.

“Haddii ay jiraan kuwa raba inay dalka ku hoggaamiyaan si qasab ah, dalkeenu waa ka soo gudbay xilligii jahwareerka iyo in dadka lagu owrkacsado, marnaba ma ogolaan doono in dalka dib u noqdo, wax Qaranimada ka yar ma aqbaleyno”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynaha oo ka hadlayay nidaamka Federaalka ayaa sheegay umadda Soomaaliyeed ay dooratay Nidaamka Federaalka, isla markaana aanay jirin cid wax ka bedeli karta.

“Nidaamka Federaalka waa nidaam umadda Soomaaliyeed ay dooratay waa hab maamulka dowladeena, umadda soomaaliyeed illaa iyada ka go’aansato inay wax ka bedesho dowlad ama koox gaar wax ka bedeli karta aysan jirin, waxaa nasiib daro in dad gaar ah si qaldan u fahmeen nidaamka federaalka wuxuu si cad u qeexayaa awoodaha dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, dowlad goboleedyada ma siineyso madax banaani gaar ah, waxaa idin xusuusinayaa ilaalinta Qaranimada Madax banaanidiisa ay saaran tahay dowladda Federaalka”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Xildhibaanada Baarlamaanka inay si degdeg ah u ansixiyaan sharciyada hor-yaala Baarlamaanka, isla markaana dalka lagu dhisi karo sharci, laguna dhaqi karo sida uu yiri.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: