Advertisements
Wararka

Mareykanka oo ku soo rogay xayiraad dhanka socdaalka ah xubno ka tirsan dowlada Shiinaha…


Dowlada Mareykanka ayaa xayiraad dhanka Socdaalka ah ku soo rogtay xubno ka tirsan dowlada Shiinaha, kuwaasi oo lagu eedeeyay in dhibaato ay ku hayaan qowmiyada Muslimiinta ee ku nool gobolka Xinjiang.

Xukuumada Washington ayaa intaa ku dartay in xayiraada dhanka safarada Mareykanka ay ku tagayaan ay taagnaan doonto inta saraakiishan ay wadaan tacadiyada ka dhanka ah qowmiyada Uighurs ee ku dhaqan galbeedka Dalkaasi.

War saxaafadeed ka soo baxay talaadadii shalay xilli danbe wasaarada arrimaha dibada Mareykanka ayaa lagu yiri waxaan xayiraad dhanka safarada Mareykanka ku soo rognay xubno ka tirsan xisbiga Communist oo aan aaminsanahay in ay mas’uul ka yihiin xadgudubyada iyo xanibaada lagu hayo Muslimiinta gobolka Xinjiang.

Lama sheegin magacyada saraakiisha dowlada Shiinaha oo xayiraada laga saaray in ay u safraan Mareykanka

Wasiirka arimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo ayaa ugu baaqay dowlada Shiinaha in ay ooda ka qaado dhamaan dadka ay ku xanibtay xeryaha una ogolaato Muslimiinta ku nool dibada in ay dib ugu laabtaan Gobolkaasi.

Mr Pompeo ayaa sheegay in ilaalinta xuquuqda aadanaha ay tahay waajibaad saaran loogana baahan yahay dhamaan wadamada in ay Dhowraan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: