Advertisements
Wararka

Shirkadii ugu horeysay ee sameysa telefoonada gacanta oo laga hirgeliyey dalka Rwanda…


Rwanda ayaa xarigga ka jartay shirkadii ugu horeysay ee sameysa telefoonada gacanta ee smartphone-ka loo yaqaan ee ka howlgasha Afrika.

Xaflada lagu daah furayay shirkadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweyne Paul Kagame.

Shirkadda teknologiyadda ee Mara Group ayaa waxay soo saartay telefanno loogu magac daray Mara X iyo Mara Z, kuwaasoo istcimaali doona habka softwerka Android ee ay ku shaqeeyaan telefanada caaqilka ah ee haatan dunida laga isticmaalo.

Qiimaha telefoonadaan ayaa kala ah 175,750 Rwandan francs oo u dhiganta ($190) (£155) iyo 120,250 Rwandan francs oo u dhiganta ($130)(£106).

Agaasimaha guud ee shirkadda Ashish Thakkar ayaa sheegay in teleefoon kasta laga sameeyay 1,000 xabo.

Kigame oo booqday.jpg

Waxa u sheegay in kharashka warshadda ku baxay uu gaarayo ilaa iyo $ 24 milyan oo dollar ayna awood u leedahay in maalinkiiba ay soo saarto 1,200 oo telefoon.

Madaxweyne Paul Kagame ayaa sheegay inuu rajeynayo in telefoonadan ay sare u qaadi doonaan isticmaalka telefoonada gacanta ee Smartphone-ka ee Rwanda boqolkiiba 15.

Waxaa jira shirkada kale oo sameeya teleefoonada oo ku yaalla dalalka Masar, Itoobiya iyo Koonfur Afrika, balse qalabka ayay dibadaha ka soo dhoofiyaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: