Wararka

Wasaarada Arrimaha Gudaha oo magacowday guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug…


Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u- heshiisiinta XF Soomaaliya ayaa magacowday Guddiga Farsamada maamul Dhisidda Dowlad Gobaleedka Galmudug, kaas oo maalmihii la soo dhaafay la hadal haayey in la magacaabayo.

Guddigaan oo ay magacaawday Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo ka kooban 13 Xubnood ayaa waxaa ay dhexdooda iska dooran doonaan guddoon Cusub, iyaga oo guda geli doona dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradad Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka Isaaq Maxamed Maxamuud oo Warbaahinta uu u Akhriyey wareegtada guddigaas lagu Magacaabey ayaa sheegay in guddigaan la Magacaabey, iyada oo laga duulayo Go’aanadii kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Galmudug.

Dhanka kale Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa taageeray islamarkaana soo dhaweeyay guddiga farsamo ee maamul u sameynta Galmudug oo ay ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa qoraal uu soo saaray kusoo dhaweeyay Guddiga farsamada iyo maamul u sameynta ee magacawday dowlada federaalka, waxa uuna cadeeyay in raali ka yahay guddigan.

Magacyada Guddiga :-

MagacyadaXubnaha

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8888 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: