Advertisements
Wararka

Dhakhtar ku eedeysan in Mareykanka uu ka caawiyey in la helo hogaamiyihii al-Qaacida oo…


Maxkamad ku taal dalka Pakistan ayaa lagu wadaa in ay billowdo dhageysiga racfaan la doonayo in xabsiga looga sii daayo dhakhtar ku eedeysan in Mareykanka uu ka caawiyay in uu dilo hoggaamiyihii Al-Qaacida Osama Bin Laden.

Maxkamadda sare Peshawar ayaa maanta dhageysan doonto dacwadda Shakil Afridi, waana markii ugu horreysay oo dacwaddaasi lagu dhageysan doono meel caadi ah oo dadka u furan.

Dhakhtarkaasi ayaanan waligii si rasmi ah dacwad loogu soo oogin doorkii uu ku lahaa hawlgalkii sanadkii 2011-kii lagu bartilmaameedsaday Bin Laden oo ahaa ninka aadka uu Mareykanka u doondoodnayay.

Dr Afridi ayaa waligii ku doodayay in loo diiday in uu helo caddaalad.

Xarigiisa ayaa waxaa ka dhashay muran weyn kaa oo sababay in Mareykanku uu kaalmadii dhaqaale ka jaro dalkaasi Pakistan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sanadkii 2016 xilli uu ku jiray olalaha doorashada ballan qaaday in Dr Afridi la soo dayn doono laba daqiiqo gudahood haddii isaga la doorto, haseyeeshee taasi ayaanan wali dhicin.

Dr Afridi ayaa ah dhakhtar ka hawlgali jiray degmada uu qabaa’ilka maamulo ee Khaybar, waxa uuna ahaa madaxa adeegyada caafimaad ee mas’uulka ka ahaa mashruucyo tallaal oo Mareykanka uu maalgeliyay.

Maadaama uu ahaa shaqaale dowladeed, waxa uu billaabay mashruuc dadka looga tallaalayo cudurka cagaarshowga. Meelaha uu mashruucaasi ka fulinayay waxaa ka mid aheyd magaalada ay ciidamadu deggan yihiin ee Abbottabad, halkaasi oo markii dambe ay caddaatay in Bin Laden uu ku noolaa oo ay ciidamadu ka war qabeen.

Qorshaha mukhaabaraadka Mareykanka ayaa ahaa in ay baaraan hidasidaha mid ka mid ah carruurta ku nool gudaha magaalada Abbottabad si baaritaankaasi loogu ogaado in ay ehel la yihiin Bin Laden iyo in kale.

Waxaa la rumeysan yahay in mid ka mid ah hawlwadeennada la shaqeeya Dr Afridi uu booqday guriga uu deganaa Bin Laden oo uu cannug ka soo qaaday dhiig balse lama xaqiijin karayo in dhiigaasi uu sahlay in mukhaabaraadka Mareykanka ay ogaadaan in Osama uu halkaasi ku nool yahay iyo in kale.

Dr Afridi ayaa xabsiga la dhigay 23-kii May 2011, waa muddo 20 maalmood ah ka dib markii la dilay Bin Laden. Waxaa la rumeysan yahay in xilligaasi uu ku jiray da’da afartameeyada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: