Advertisements
Wararka

M/weynihii hore ee Somalia Xasan Sheikh iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Kismaayo…


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Jubbaland.

Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo wafdiga waxaa kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Xubno ka tirsan golaha wasiirada Maamulkaas iyo saraakiil Ciidan.

Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa ku jira xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah xisbiga uu hoggaamiyo ee Nabadda iyo Horumarka ee UPD.

Wafdiga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ay u tageen magaalada Kismaayo ka qeyb-galka xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dhawaan ka dhaceysa Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sii qulqulaya wafuud kala duwan oo ka qeybgalaysa xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Waxaa saaka gaaray magaalada Kismaayo Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Deni iyo wafdi uu hogaaminayo, waxana lagu wadaa in ay goordhow gaaraan madax ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: