Wararka

Nin hubeysan oo weerar ku qaaday goob cibaado oo Yahuudu laheyd ee dalka Jarmalka…


Labo ruux ayaa dhimatay, dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii nin hubeysan uu weerar ku qaaday goob cibaado oo ay Yuhuud lahaayeen taas oo ku taal magaalada Halle ee dalkaasi Jarmalka.

Ninkan ayaa la sheegay in weerarkiisu uu ahaa mid qorsheysnaa maadaama uu ku beegay maalin ay Yuhuuddu u dabaaldagayeen maalin ku weyn oo ay ugu magac darteen “yom kippur” islamarkaana ay dad badani ku sugnaayeen goobta.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in hal ruux oo keliya laga arkayo muuqaalada warbaahinta lagu faafiyay, balse ay iyagu tuhunsan yihiin in tiradu intaa ka badneyd.

Ragga weerarka geystay ayaa goobta ka baxsaday weerarka kadib, waxaana ay boolisku sheegeen in ay gacanta kusoo dhigeen ruux weerarkaasi lagu tuhunsan yahay.

Kala orod iyo jahwareer ayaa ka dhashay goobta uu weerarku ka dhacay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10654 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: