Advertisements
Wararka

Nin Maseyr dartiis u dilay jaceylkiisii hore, aabaheed, hooyadeed, walaalkeed iyo saaxiibkeeda…


Nin u dhashay dalka Austria ayaa dilay habeenimadii Axadda isagoo isticmaalaya hubka gacanta naag hore ee u doonaneyd, Aabaheed, Hooyadeed, walaalkeed iyo gacaliyaheeda cusub oo ku khaarijiyey guriga waalidkeed oo ku yaala magaalada Kitzbuhel oo loo dalxiis tago ee Alpine.

Booliisku waxay sheegeen in dambiga ay u badan tahay inuu ku yimid masayr, waxayna sheegeen in dembiilaha uu laba bilood ka hor kala tageen saaxiibtiisa oo (19 sano) jir aheyd, waxaa dhex maray muran iyo khilaaf wax yar ka hor shilka.

Dembiilaha, isagoo hub sita, wuxuu garaacay albaabka guriga saaxiibtiisii, sida boolisku ay sheegeen, gabadha aabaheed ayaa diidey inuu u ogolaado inuu gudaha galo, sidaasi ayuu ku geystay dilka dhibanayaashan.

Ninkan 25-jirka ah ayaa isku dhiibay booliska kadib markii uu galay dambiga, wuxuuna u sheegay inuu soo dilay shan qof asaga oo isticmaalay rasaas, wuxuu watay qalabkii uu dembiga ku fuliyey.

Duqa magaalada, Klaus Winkler, oo ay ku nool yihiin ilaa 8,000 oo qof, ayaa muujiyay sida uu uga naxay musiibada, “Aad ayaanu uga naxnay oo murugoonnay. Waligeed ma dhicin qoys dhan in sidan oo kale loo xasuuqo” ayuu yidhi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: