Advertisements
Wararka

Wasiir Cawad oo ka hadlay wadahadal magaalada Boosaasso ay kula lahaayeen Puntland…


Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay waxa ka soo baxay wadahadal magaalada Boosaaso ay kula yeesheen isaga iyo wafdi heer Wasiirro ahaa oo ka socday Dowladda Federaalka madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in socdaalkoodu uu salka ku hayay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka Dowladda dhexe ee Federaalka iyo Puntland, isaga oo si gaar ah ugu mahad celiyay marka hore madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre oo u xilsaaray sidii loo dhameyn lahaa khilaafka kala dhaxeeya Puntland.

‘’Intii aan ku sugneyn Boosaaso waxaan kulamo la qadannay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiinta maamulkiisa, runtii aad bey noo soo dhaweeyeen, weyna naga aqbaleen fariintii aynu sidney ee aheyd in la dhameeyo khilaafka, intii aan wada hadalada ku jirnay waxaa sheekada soo gashay arrinta Jubbaland iyo doorashadii ka dhacday, runtii aad beynu ugu kala duwannaanay arinkaa, oo aan annagu ka aaminsannahay mowqifka ay xukuumaddu ka qaadatay oo aad ogtihiin’’ ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka reer Puntland intaba aysan ku faraxsanneyn khilaafka jira oo ay u arkaan sida uu hadalka u dhigay mid isku dhac mar walba keenaya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wafdi uu horkacayo madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland maalinta berri ah ku sii jeedaan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland, iyaga oo doonaya in ay halkaa uga qeybgalaan munaasabada caleemo saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: