Advertisements
Wararka

Ganacsato xiriir la leh qareenka M/weyne Trump Rudi Giuliani oo loo xiray eedo maalgelin…


Laba nin oo ka mid ah ganacsatada gobolka Florida oo xiriir la leh qareenka madaxweyne Donald Trump, Rudy Giuliani ayaa loo xiray eedo maalgelin aan sharci aheyn oo dhanka Ololaha, sida uu sheegay afhayeenka xafiiska xeer Ilaaliyaha Guud.

Ganacsatade Lev Parnas iyo Igor Fruman, ayaa loo xiray iyada oo loo heesto maalgalin sharci daro ah oo la xiriirta olole siyaasadeed oo ka dhacay gobolka Newyork, sidaasi waxaa lagu yiri warbixin Khamiistii laga soo saaray xafiiska xeer ilaalinta ee degmada Manhattan.

Labada nin ayaa markii la xirayay qorsheynayay in ay u duulaan habeenimada magaalada Vienna ee dalka Austria sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowlada Mareykanka.

Parnas iyo Fruman ayaa la filayaa in xilli danbe ee Khamiista waqtiga maxaliga ah ee Mareykanka in la soo taago maxkamada magaalada Virginia, sida uu qoray Jariidada Wall Street Journal.

Qareenka ganacsatadan John Dowd, ayaa diiday in warbaahinta uu la wadaago eeda loo jeediyay raggaan.

Mr Parnas ayaa ah ganacsade u dhashay Ukraine halka Fruman uu yahay ganacsade maalgaliya guryaha. waxaana lagu tuhmayaa in ay qeyb ka yihiin fadeexada hareysay dowlada Mareykanka oo ku aadan in caawinaad ay weydiisatay Ukraine.

Xarigaan ayaa imaanaya iyadoo aqalka hoose ee Congress-ka uu wado baaritaano la xiriira madaxweyne Donald Trump oo caawinaad weydiistay dal Ajnabi ah si baaritaan loogu sameeyo mid ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka.

Trump ayaa hadii ay ku cadaato fadeexadaan waxaa uu ku waayi karaa xilka sida ay sheegtay afhayeenka aqalka hoose ee Congress-ka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: