Advertisements
Wararka

Markab shidaal oo ay laheyd Iran oo la kulmay qarax culus asaga oo marayey meel u dhow…


Wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan ayaa ku tilmaamtay markab saliida qaada oo subaxnimada Jimcaha meel u dhow dekada Jeddah ee Sacuudiga marayey kula kulmay qarax culus oo ku sheegtay mid khatar ah, halka Moscow ay ka dooratay in la sugo inta aanan meel kale dusha loo saarin.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Iiraan ayaa sheegtay in baaritaanka uu muujinayo in markabka saliida qaada la kulmay labo weerar intii uu marayey Badda Cas.

Afhayenka Wasaaradda Arimaha Dibada Iiraan Abbas Mousavi ayaa sheegay in baaritaanada lagu ogaan doona sababaha shilka.

Wuxuu intaas ku daray in maraakiibta shidaalka ee Iiraan ay la kulmayeen weeraro lagu kharibayo bilihii la soo dhaafay oo ka dhacay Badda Cas.

Mousavi wuxuu sheegay inay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo dhinacyada ka dambeeya dhacdooyinkaas, isagoo intaa ku daray in dhinacyada ka dambeeya dhacdadan ay qaadayaan mas’uuliyad buuxda, isla markaana ay qaadyaan mas’uuliyada wasakheynta Badda oo ku daatay saliid.

Dhinaca kale, Wakaaladda Wararka ee Ruushka ayaa soo xigatay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Moscow iyaga oo sheegay in ay tahay xilli hore in lagu dhalleeceeyo jiho markabka saliida Iiran ee qarxay asaga oo marayey Badda Cas meel u dhow Sacuudiga.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: