Advertisements
Wararka

Qaranka Belgium oo noqday kooxdii ugu horeysay ee u soo baxda ciyaaraha Euro 2020…


Qaranka Belgium ayaa noqday kooxdii ugu horreeysay ee Yurub ee u soo baxda ciyaaraha Euro 2020 khamiistii, kabib markii ay 9-0 kaga badiyeen San Marino wareega 7-aad ee isreebreebka Group 9.

Sidoo kale Russia oo 4-0 ku garaacday Scotland iyo Cyprus 2-1 ku martay Kazakhstan.

Netherlands ayaa sare u kacday rajadooda ah inay u soo baxaan Euro 2020 kadib guushii cajiibka aheyd ee ay 3-1 kaga badiyeen Northern Ireland, iyadoo sidoo kale Belarus barbaro la gashay Estonia.

Holland-.jpg

Xaaladda group-kan ayaa ah mid kacsan, iyadoo Netherlands iyo Jarmalka ay ku hoggaaminayaan min 12 dhibcood, oo farqiga goolasha isku mid ah, min shan kulan ay ciyaareen, halka Northern Ireland oo kaalinta saddexaad ku jirta ay sidoo kale leedahay 12 dhibcood, laakin waxay dheer tahay hal ciyaar ama kulan, halka Belarus ay ku dhameysatay kaalinta afaraad iyadoo leh afar dhibcood, Estonia waxay weli ku jirtaa booska ugu hooseeya iyadoo leh hal dhibic.

Croatia ayaa sii xoojisay hogaankeeda Group E ka dib markii ay 3-0 kaga badiyeen Hungary, ciyaar kale oo isla group-kan, Slovakia ayaa barbaro la gashay Wales.

Kooxda reer Croatia ayaa leh 13-dhibcood waxay hayaan hogaanka Group E, halka Slovakia ay ku dhameysatay kaalinta labaad iyagoo leh 10-dhibcood. Kooxda reer Hungary ayaa leh 9-dhibcood oo ku jira kaalinta 3aad, halka kooxda Wales-ka ay ku jirto kaalinta afaraad oo leh 7-dhibcood.

Poland.jpg

Poland ayaa 3-0 kaga badisay Latvia wareega todobaad ee isreebreebka, halka Austria ay 3-1 kaga badisay Israel, sidoo kale Macedonia ayaa 2-1 kaga talaabsatay Slovenia. Kooxda reer Poland ayaa leh 16 dhibcood oo ku hogaaminayso group-kan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: