Advertisements
Wararka

Duulimaadyada ka yimaada Kenya ee u socda Kismaayo oo Maamulka Hawada Somalia Mamnuucay…


Maamulka Duulista Hawada ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray amar cusub oo ku wajahan duulimaadyada aadaya Kismaayo.

Amarka ka soo baxay Maamulka Duulista Hawada ayaa lagu sheegay in la mamnuucay duulimaad kasta oo ka yimaada Kenya ee ku socda Kismaayo.

Sidoo kale waxaa qoraalka ay iskula hadlaan duulimaadyada lagu sheegay in diyaaradaha aadaya Kismaayo inay soo maraan Muqdisho, taasoo ahaa go’aan horay u jiray oo mar kale dib loo cusbooneysiinayo, waxaana la ogeysiiyay amarkan dowladda Kenya

Wararka qaar ayaa sheegaya in tallaabadan ay ku socoto wafdi ka socda Kenya ee la filayo inay ka qeyb galaan caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kaasoo uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale.

NOTAM.jpg

Ilo wareedyo ayaa sheegaya qorshaha ugu weyn ee dowladda Soomaaliya u soo saartay amarkan ayaa ah in haddii la jebiyo amarkaas ay qaadato go’aan culus oo noqon doona mid saameyn ku yeesha xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Horaantii todobaadkan ayay aheyd markii diyaarad ka timid Nairobi ay si toos ah uga soo degtay garoonka Kismaayo, isla markaana jebisay amarkii horay uga soo baxay dowladda Soomaaliya ee lagu faray dhammaan diyaaradaha aadaya iyo kuwa ka imaanaya Kismaayo ay soo marto Muqdisho.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: