Advertisements
Wararka

Kismaayo oo ka socota qaban qaabada xaflad lagu caleemo saarayo Axmed Madoobe…


Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbalabd waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay ka dhacdo munaasabad weyn oo lagu caleemo saarayo Madaxweynaha dib u doorashadiisa muranka dhalisay ee Axmed Madoobe.

Waxaa socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee qabsoomida munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Jubbalabd, waxaa si qurux badan loo diyaariyay hoolka la filayo in ay ka dhacdo munaasabada caleemo saarka.

Magaalada Kismaayo waxaa hada ku sugan oo munaasabada caleemo saarka ka qeyb galaya labadii Madaxweyne ee ugu dambeeyay ee dalka soo maray, Madaxweynaha Puntland ,Xildhibaano katirsan labada aqal iyo siyaasiyiin kale oo badan.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Kismaayo la dhigay ciidamo aad u hubeesan kuwaa oo amaanka adkeynaya, waxaana aad u yar dhaq dhaqaaqa maanta ka jira magaalada Kismaayo.

Qabsoomida munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhowr jeer dib ugu dhacday, waxaana galinka dambe ee maanta la filayaa in Munaasabadan ka qabsoonto magaalada Kismaayo.

Wafdi ka socda dowlada Kenya ayaa la filayaa in ay gaaraan magaalada Kismaayo, wafdigan ayaana ah Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Kenya kuwaa oo lagu casuumay munaasabada caleemo saarka.

Munaasabada caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa waxaa khudbado ka jeedin doona Madax kala duwan oo munaasabada lagu casuumay, waxaana dhagta loo taagayaa hadalada ay halkaasi ka jeedin doonaan oo u badnaan doono kuwa ka dhan ah dowlada .

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: