Advertisements
Wararka

M/weyne Trump oo weerar afka ah ku qaaday Reps. Ilhan Cumar magaalada Minnesota…


Madaxweynaha dalka Mareykanka Donlad Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Gabadha asalkeeda Soomaaliga yahay ee Ilhan Cumar Cumar oo katirsan aqalka Koongareeska Dalka Mareykanka .

Donald Trump oo xalay taageerayaashiisa kula hadlayay gobolka laga soo doorto Ilhan Cumar ee Minnesota ayaa mar kale dhaleeceeyay Xildhibaanada, waxa uuna ku eedeeyay in Ilhan u damqato kooxaha argagaxisada ah sida Al Qaacida.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Trump in Ilhan Cumar mas’uul ka aheyd hadalo naceyb ah oo ka dhan ah dadka Yahuuda ah, waxa uuna ku eedeeyay Trump dadka Minnesota in ay doorteen qof aan u damqaneyn.

”Ilhan waxay wax aan weyneyn kasoo qaadday weeraradii 11-kii September ee lagu dilay 3000 oo qof oo dadkeena ka mid ah, oo ay tiri ‘dad baa wax iska sameeyey, sidee qof noocaas ah uu idinkugu matali karaa Minnesota, aad ayaan idinkugu careysanahay dad yahow. Sharaf dhac ayey ku tahay dalkeenna.” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

TaageerayaashaTrump.jpeg

Madaxweynaha Mareykanka ayaa marar badan weeraro afka ah ku qaaday Xildhibaan Ilhan Cumar oo katirsan Xisbiga Dimuquraadiga, waxa ayna Ilhan inta badan beenisaa eedeymaha uga yimaado Madaxweyne Trump.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: