Wararka

Militariga Turkiga oo sheegtay inay la wareegeen magaalada Ras al-Ain, balse Kurdiyiinta ayaa…


Dagaal culus ayaa ka socda Magaalada ku taalla xuduuda Syria iyo Turkiga ee Ras al-Ain xilli ciidamada Turkiga ay howlgalo militari ka wadaan waqooyi bari Syria.

Militariga Turkiga ayaa waxay sheegeen inay la wareegeen magaaladaasi, balse xoogaga Kurdiyiinta ayaa arrintaasi beeniyay.

Xukuumadda Turkiga ayaa waxaa sidoo kale beenisay in ciidamadeeda ay beegsadeen ciidamada Mareykanka ka dib markii wasaarada gaashaanhiga Mareykanka ay sheegtay in ciidamadooda la soo weeraray.

Ugu yaraan 30 qof oo rayid ah ayaa la sheegayaa in la dilay isla markana in ka badan 200,000 oo qof ay qaxeen afartii maalmood ee uu dagaalka socday.

Go’aankii Madaxwayne Donald Trump ee uu ciidamadiisa kaga soo saaray Syria ayaa waxa uu horseeday in Turkiga ay qaadaan tallaabo militari.

Xooggaga Kurdiyiinta ah ee YPG ayaa ka samaystay bariga webiga Furaat ee waqooyiga Syria dhul maamulkiisa ay u madax bannaan yihiin.

Kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaateen dagaalkii looga adkaaday ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa u sahlay dagaalyahannada YPG inay kasoo tallaabaan webiga ayna la wareegaan dhul ka tirsan Syria, iyadoo Xukuumadda Turkiga ay u aragto kooxda YPG koox argagixiso ah.

Dhinaca kale shir dalalka ku jira Jaamacada Carabta ay ku yeesheen magaalada Qaahira oo heerkiisu ahaa heer wasiir ayaa lagu cambaareeyey duulaanka Turkiga ee Syria, waxayna soo jeediyeen tallaabooyin laga qaadayo dalka Turkiga, markii cod la geliyey dowladaha Somalia iyo Qatar ayaa ka aamusay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: