Wararka

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo wada mooshin ka dhan ah Ciidamada Kenya…


Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa wada ololihii ugu dambeeyay ee ay kaga keenayaan mooshin ka dhan ah Ciidamada Kenya ee jooga qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Kulanka ugu horeeyay ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ayaa la filayaa in la horgeeyo ajande uu ka mid yahay Mooshin ka dhan ah Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Kenya ay weerar ku tahay dowlad Soomaaliyeed, isla markaana mooshin ka dhan ah Ciidamadeeda ay horgeynayaan Baarlamaanka.

Waxaa uu ugu baaqay Xukuumadda Soomaaliya in looga baahan yahay inay ka hadasho daan daansiga iyo xadgudubka Kenya ay ku heyso Soomaaliya.

Dad badan ayaa si aad ah uga hadlayay diyaarad ay la socdeen Wafdi Kenyan ah oo uu hoggaaminayay Aadan Barre Ducaale oo shalay ka degay Kismaayo, si ay uga qeyb galaan caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, waxaana lagu tilmaamay tallaabadaas mid xadgudub ku ah arrimaha gudaha Soomaaliya iyo Madax banaanida.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: