Wararka

Lacag ma ku iibsan laheyd nuqul xuquuqda wajigaaga ah oo loo isticmaalo robot daryeela?…


Shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay inay u baahan tahay qof raba inuu ka iibiyo xuquuqda wajigiisa weligiis lacag gaareysa 115,000 Euro ($ 128,397.38), intaa kadib shirkaddu waxay nuqul ka sameyneysaa wajiga robot bani’aadam oo daryeela dadka waayeelka ah.

Ku dhawaaqista ayaa waxaa sameeysey Geomiq bisha Oktoobar 11 iyadoo ku mataleysa urur aan dawli ahayn oo sameeya robotka oo magaciisa la qariyey.

Macaamiisha Geomiq ee dhigaya xayeysiiska ayaa samaynaya robot ay ku daryeelaan dadka waayeelka ah, Marka naqshadeeyayaasha robotkaan waxay rabaan inay ka dhigaan mid saaxiibtinimo leh oo macquul ah intii suurtagal ah.

Qaadasho Wajigaaga

Soo saarista aaladdaan ayaa bilaabaneysa sanadka soo socda, Geomiq wuxuu raaciyay inuu ku dhawaaqay weedhan “Waan ognahay in tani ay tahay codsi khaas ah, waxaa la ogyahay in ka tagista xuquuqdaada wajiga ay tahay go’aan aad u adag.”

Bogga Faransiiska ee LCI, oo soo tebiyay warkan, ayaa ka digay inay adag tahay in la ogaado haddii ku dhawaaqista mashruucan uu run yahay ama inkale, laakiin wuxuu kula taliyay kuwa jeclaan lahaa inay marka hore ogaadaan in tani ay ka dhigan tahay in wejigaaga laga dhigi doono kumanaan nuqul oo model ah oo suurtagal ah in lagu faafiyo dhammaan dunida oo dhan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8008 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: