Wararka

30 murashax oo lagu soo koobay liiska abaalmarinta Ballon d’Or, hadaba ma ku jiraa laacibka…


Majaladda France Football ayaa u magacowday xiddiga reer Masar Mohamed Salah iyo kabtanka Algeria Riad Mehrez abaalmarinta Ballon d’Or, kooxda Liverpool oo ku guuleysatay Champions League ayaa liiskan ku leh 7 musharrax.

Salah waxaa kula wehliyay saaxiibadiisa Liverpool Virgil van Dijk, Sadio Mane, Roberto Firmino, Trent Alexander-Arnold, Georginio Wijnaldum iyo Allison Becker.

Manchester City sidoo kale waxaa ka mid ah Riad Mehrez, Raheem Sterling, Kevin De Bruyne, Bernardo Silva iyo Sergio Aguero.

Sidoo kale Liiska waxaa ka mid ah Cristiano Ronaldo oo u ciyaara kooxda Juventus iyo Lionel Messi oo Barcelona ah, oo wadajirkooda wada qaaday abaalmarintaan 10 jeer, laakiin Messi saaxiibkiisii ​​hore ee Neymar, oo haatan ka ciyaara Paris Saint-Germain, ayaa ka maqan liiskan.

Weeraryahanka Tottenham Hotspur Sun Hyung-min iyo Hugo Lloris ayaa sidoo kale ku jira liiskan, laakiin kuma jiro saaxiibkood Harry Kane, halka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba uu isna ka maqan yahay liiska.

Liiska 30 ciyaartooy waa sida soo socota:

South Korea, Sun Hyung Min (Tottenham Hotspur)
Holland, Virgil van Dijk (Liverpool)
Portugal, Bernardo Silva (Manchester City)
Poland, Robert Lewandowski (Bayern Munich)
Brazil, Roberto Firmino (Liverpool)
Portugal, Cristiano Ronaldo (Juventus)
Holland, Matthijs de Ligt (Juventus)
France, Karim Benzema (Real Madrid)
Holland, Georginio Wijnaldum (Liverpool)
France, Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain)
Brazil, Allison Baker (Liverpool)
Holland, Donny van de Beek (Ajax Amsterdam)
Gabon, Pierre Emerick Aubameyang (Arsenal)
Germany, Marc Andre ter stegen (Barcelona, ​​Spain)
Senegal, Sadio Mane (Liverpool)
Argentina, Sergio Aguero (Manchester City)
Holland, Frenkie de Jong (Barcelona)
France, Hugo Lloris (Tottenham Hotspur)
Serbia, Dusan Tadic (Ajax Amsterdam)
Argentina, Lionel Messi (Barcelona, ​​Spain)
Algeria, Riad Mehrez (Manchester City, England)
Belgium, Kevin De Bruyne (Manchester City)
Senegal, Kalidou Koulibaly (Naples)
France, Antoine Griezmann (Barcelona, ​​Spain)
Egypt, Mohamed Salah (Liverpool)
Belgium, Eden Hazard (Real Madrid)
Brazil, Marquinhos (Paris Saint-Germain)
England, Raheem Sterling (Manchester City)
Portugal, Joao Felix (Atletico Madrid)
England, Trent Alexander-Arnold (Liverpool)

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: