Wararka

Dhaqaalaha Somalia ma qaadi karo Baarlamaan ka kooban 275 xubin iyo daraasiin Wasiiro ah…


Walow aan jirin statistic sax ah oo dadka Soomalida ah, hadana waxaa lagu qiyaasaa 12-15 milyan oo qof, waxaan leenahay Baarlamaan ka kooban 275 xubnood oo ku baxda hanti aad u badan, halka Golaha Wasiirada uu gaarayo 70 wasiir oo sidoo kale ku baxda hanti badan, waxaan had iyo jeer ka doodnaa dhibaatada dhaqaale ee dalku uu ku jiro, ma aragno qarashka ku baxaya maamulka.

Iyadoo la qancinayo qabaa’ilada waxaa halkaasi ku burburaya dhaqaalaha dalka, Somalia ma qaadi karto 275 Xildhibaan iyo daraasiin wasiiro ah marxalada hadda lagu jiro.

Waxaa ila habboon in Golaha Shacabka laga dhigo 120-150 xubnood si ay noogu baaqato qarashka inta kale, wuxuu dalkan u baahan yahay oo kale 20-25 wasiir oo isugu jira Wasiiro, Wasiiro dowle iyo Wasiir ku xigeeno, in la iskudaro wasaaradaha hadda qeyb qeybta loo qaaday sida: Wasaarada Beeraha, Xoolaha, Kalluunka iyo Daaqa iwm, Wasaarada gaadiidka Badda, Hawada, Dhulka iwm, Wasaarada Caafimaadka, Haweenka, Dhallinyarada, Sportiga iwm, Wasaarada Boosta, Isgaarsiinta, Teknolojiyada, Culuunta iwm, Wasaarada Garsoorka, Diinta, Awqaafta iwm, Wasaarada Warfaafiinta gebigeedaba in la baabi’iyo, Wasaarada Waxbarashada iyo barbaarinta, Tacliinta sare iyo Dhaqanka, Wasaarada Macdanta, Shidaalka, Biyaha, Tamarta iwm, Wasaarada Maaliyada, Dhaqaalaha, Lacagta iwm, Wasaarada Arrimaha Gudaha, Amniga, Federaalka iyo dib u heshiisiinta iwm.

Intaasi waa iga tusaale, sidaasi waxaa lagu gaari karaa iyadoo la qabtaa doorsho ku saleysan axsaab oo xisbigii ku guuleysta soo dhiso dowlad ama dowlad wadaag noqda, si looga baxa 4.5 ka iyo qabaa’ilada raba in ay mar walba ka soo dhex muuqdaan shaxda dowlada.

Sidaasi lama gaari karo inta ay jiraan dad raba inay dardaraan dadka kale iyo dad dhuunta ka weynaatay oo wax deeqaya aanu jirin.

Si dhibaatada dhaqaale ee heysata dalka looga saaro in canshuurta si wadajir ah dalkoo dhan looga qaado oo aan lagu koobin oo keliya magaalada caasimada ah, kadibna si siman loogu kala qeybiyo maamulada iyada oo loo fiirinayo dadka ku nool goobahaasi qiyaas ahaan inta laga gaarayo tirada saxda ah ee gobol walba ay deggen yihiin.

Dadkana waxaan kula dardaarmayaa in ay waaqici ahaadaan, maskaxda qabiilka saaran iska dejiyaan oo runta u soo dhowaadaan, laga baxo beenta iyo barabagaanka had iyo jeer la faafiyo, lana bixiyo canshuurta qof walba ku waajibta, dal dumay haddii la dhisayo dadkiisa ayaa ku deeqa si mutadawanimo ah canshuurta, canshuurta lala dhuunto waa dembi.

Dalalka horumaray waxay ku dhisan yihiin canshuurta oo si nidaamsan loo bixiyo, taasi ayaa marka dambe qofka markuu howlgab noqdo laga siiyaa wixii uu ku noolaan lahaa, si qofna qof kale ugu tiirsanaan, taasi waqti dheer ayaa naga xigga laakin Allah agtiisa waxba kama aha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: