Wararka

Qiimaha lacagta Digital-ka ee Bitcoin oo hoos u dhacay iyo qorshaha lacagta digitalka Facebook…


Qiimaha Bitcoin (lacagta adduunka ugu caansan ee dijitaalka ah) ayaa hoos u dhacday in ka badan 7% Arbacadii ilaa $ 7412, heerkiisii ​​ugu hooseeyay tan iyo bartamihii bishii Maajo, halka dhinaca kale Facebook uu wajahayo cadaadis weyn qorshihiisa soo bandhigida lacagtiisa dijitaalka ee Libra.

Ma cadda Sababta hoos udhaca qiimaha, oo billowday abbaaraha 13:40 GMT ee shalay, laakiin waxaa socda mashruuc ballaaran oo lagu bilaabayo Digital-ka Libra oo la kulmay dhaleeceyn weyn.

Qiimaha sarrifka ee ugu dambeeyay ee saamiyada Bitstamp ee ‘Luxembourg’ subaxdii ayaa ahaa $ 7471, oo noqday 6.6% marka loo eego 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Lacagaha Digital-ka kale ayaa dhammaantood waxay ahaayeen kuwo gaduud ah oo hoos u dhacay qiyaastii 3.5% iyo 6%.

Hoos u dhaca qiimaha ee Bitcoin ayaa ku soo beegmay iyadoo dhalleeceyn ballaaran uu la kulmay qorshayaasha Facebook ee ah inay soo bandhigaan lacagta Digital-ka “Libra” gudaha Mareykanka iyo dibedda.

Shalay, Maareeyaha Facebook Mark Zuckerberg wuxuu ku hor marag furay Guddiga Adeegyada Maaliyaddeed ee Golaha wakiilada Mareykanka, halkaas oo ay xildhibaannadu ku weydiiyeen arrinta ku saabsan lacagta Libra, oo ay shirkaddu ku dhawaaqday bishii Juun, iyo arrimo kale.

Baaritaanka Wakiiladu ee Zuckerberg ayaa ku saabsanaa walaacyo kala duwan oolaga qabo lacagta Libra iyo guud ahaan Facebook iyo dhibaatooyinka uu wajahayey dhowaanahan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7819 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: