Wararka

R/W Britain oo soo jeediyey in la qabto doorasho bisha December 12da si ay u fududaato ka…


Ra’isul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in uu ka codsan doono baarlamaanka in ay meelmariyaan doorasho xilli hore ah isaga oo markii sadaxaad ku guul dareystay isku dayga ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub 31 October 2019.

Johnson ayaa tilmaamay in uu doonayo in 12 bisha December la qabto doorashada Guud ee UK. Soo jeedintan ayaa waxaa la filayaa in maalinta Isniinta ah ay u codeeyaan baarlamaanka UK.

Bishii la soo dhaafay ayey aheyd markii uu xanibay Ra’isul wasaaraha UK kalfadhiga baarlamaanka, balse waxaa go’aankaas sharci darro ku tilmaamay Maxkamada sare ee UK.

Ka bixitaanka wadanka UK ayaa ku eg dabayaaqada bishan iyadoo Yurub ay ka wada xaajooneysa sidii waqti dheeraad ah loogu dari lahaa baarlamaanka UK si uu u helo waqti ku filan oo ku aqristo sharciyada ka bixitaanka oo ay wada gaareen UK iyo EU.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7819 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: