Wararka

Dharbaaxo kale oo ku dhacday Trump kadib markii Garsoore Federaal ah amartay in la…


Garsoore federaali Mareykan ah ayaa xaqiijisay in Waaxda Caddaaladda Mareykanka ay ku wareejiso caddeynta guddigii xeerbeegtida ee la xayiray ee ku jirtay warbixintii baaraha gaarka ah ee Robert Mueller oo loo gudbiyey guddiga Garsoorka ee Golaha wakiilada, isla markaana waxay xadiday taariikhda wareejinta macluumaadka marka la gaaro Oktoobar 30da ee hadda lagu jiro.

Garsoore Beryl Howell ayaa sidoo kale taageertay sharciga isla xisaabtanka ee loo dan leeyahay in lagu casilo madaxweyne Donald Trump oo ay hogaaminayaan Dimoqoraadiyiinta, waxayna ku amartey maamulkiisa in ay ku wareejiyaan nuqul aan la faaf reebin oo ah warbixintii baaraha khaaska ahaa ee Robert Mueller oo si faahfaahsan uga hadleysay faragalinta Ruushka ee doorashadii 2016.

Guul weyn ayuu gaaray Aqalka Wakiillada ee Dimuqraadiga uu hoggaaminayo, Garsoore Howell waxay meesha ka saartay doodaha Jamhuuriga oo dhaleeceeyey baaritaanka la-xisaabtanka Trump, waxay sheegtay in Goluhu uusan u baahnayn inuu helo oggolaansho si uu u gaaro go’aan rasmi ah oo lagu bilaabayo baaritaanka.

Afhayeenka aqalka Wakiilada Nancy Pelosi ayaa ku sheegtay xukunka “dharbaaxo kale oo ku dhacday isku dayga madaxweyne Trump ee ah inuu ka sarreeyo sharciga.”

Xoriyad balaaran
Dastuurka Mareykanka ayaa wuxuu siinayaa Golaha Wakiilada xoriyad ballaaran oo ay kula tacaamulaan la xisaabtanka, Dimuqraadiyiinta ayaa waxay bilaabeen baaritaanka iyagoon soo bandhigin qaraar loo qaado codbixin.

Waaxda Caddaaladda waxay ku dooday in macluumaadka la hayo aan la sii dayn karin sababta oo ah waxay ka kooban tahay macluumaad nidaamka xeerbeegtida waxayna u baahan tahay inay ahaato mid sir ah, laakiin garsooraha ayaa si xoogan u diiday.

Howell ayaa sheegtay in waaxda Cadaalada ay khaldan tahay, iyadoo raacisay baahida loo qabo in arrimahaasi la shaaciyo “waxay ka badan tahay baahida loo qabo in sir ahaan loo ilaaliyo.”

Waxay sheegtay in laga xanibo cadaymaha ay soo ururiyeen xeerbeegta isla xisaabtanka sida waaxda Cadaaladu sheegtay – waxay wiiqaysaa awooda golaha wakiiladu oo si ku filan u gudan karin waajibaadkiisa dastuuriga ah.

Dimuqraadiyiinta ayaa codsaday in ay arkaan macluumaadka laga xanibay si ay u diyaariyaan kiis lagu casilo Trump, afhayeenka waaxda Cadaaladda Kerry Kobek ayaa sheegtay in waaxda ay dib u eegis ku sameyneyso go’aanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7819 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: