Wararka

Dibadbaxyo ka dhan ah dowlada Ciraaq oo dib uga bilowday guud ahaan dalka Ciraaq…


Dibadbaxyo ka dhan ah dowlada Ciraaq ayaa dib uga bilowday magaalada caasimada ah ee Baqdaad iyo guud ahaan dalka Ciraaq.

Dibadbaxyada ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 30 qof sida laga soo xigtay hey’ada u dooda xuquuqda Aadanaha ee Dalkaas.

Banaanbaxa oo dhacay xoogiisa galinkii danbe ee Jimcahii ayaa ku soo aadaya sadex todobaad kadib markii magaalada Baqdaad ay ka bilowdeen dibadbaxyo inkabadan boqol qof ay ku Dhinteen.

Shacabka ayaa ka cabanaya shaqo la’aan baahsan adeegyada aasaasiga ah oo ka jirin gobolada iyo musuq maasuq baahsan oo hareeyay xarumaha Dowlada.

Qoysaska ciraaq ayaa maalintii quuta in ka yar lix doolar taasi oo aan ku filneyn, sida lagu muujiyay macluumaad ka soo baxay Baanka Aduunka.

Inkastoo dhibaatooyinkan ay jiraan ayaa hadane dalka Ciraaq wuxuu kaalinta shanaad kaga jiraa wadamada dhoofiya Saliida.

DibadbaxLebanon

Dhinaca kale waxaa dibadbax xoogan ka socdaa dalka Lebanon oo dadka ka cabanaya nolol xumo iyo musuq maasuq aan xad laheyn, sidoo kale waxay diidan yihiin nidaamka ku dhisan kooxaha diimaha oo lagu kala qeybsado xukunka dalka. sida M/weynaha waa Masiixi, R/W waa Muslim Sunni halka guddoomiyaha baarlamaanka uu yahay Muslim Shiico.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: