Wararka

Mareykanka oo Syria ka sii joogi doona ciidamo ilaaliyo goobaha shidaalka ee Syria…


Wasiirka Gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa sheegay iney ciidamadooda ka howlgalayaan goobaha saliidda laga soo saara ee dalka Suuriya si ay uga difaacaan weerarada ururka IS uga iman kara.

“Ciidamada iyo dabbaabaadka Mareykanka in deegaannadaasi laga howlgeliyo waxaa looga baahday, si ay goobahaasi gacanta ururka daacish ugu dhicin” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga.

Madaxweyne Trump inkasta oo uu horay u shegay inuu ciidamadiisa kala baxayo Suuriya, haddana hadalka ka soo yeeray wasiirkiisa Gaashaandhigga ayaa lagu tilmaamay inu muujinaya xaqiiqda dhabta ah uu Mareykanku ka damacsan yahay ciidamadiisa Suuriya ka jooga.

Mareykanku wuxuu dhawaan labaxay boqollaal ka mid ah ciidamadiisa ku sugnaa xadka Suuriya iyo Turkiga ay wadaagaan.

Haddana inuu Mareykanka dabbaabaad ciidan uu u diro dalka Suuriya ayaa lagu tilmaamay iney la mid tahay boqollaal asakari oo dheeraad ah inuu dalka Suuriya uu Mareykanka ka howl gelin rabo.

Dowlada Ruushka ayaa ku tilmaantay tallaabada uu qaaday Mareykanka in ay tahay boob la boobayo hantida dalka Suuriya isla markaana wey cambaareysay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu mar sii horreysay sheegay in duullaanka uu Turkiga ku qaaday xudday Suuriya uusan ahayn mid lagu qaaday “xudduuddooda”, waxa uuna intaa ku daray in Kurdiyiintu oo xulufo la ahaan jiray mareykanka aysan ahayn “malaa’ig”.

Mareykanka ayaa cambaareyn xooggan kala kulmaya tallaabadii uu ciidamadiisa ugala baxay dalka Suuriya, waxaana dadka qaar ay ku doodayaan in arrintaasi ay sahashay in Turkigu uu ka tallaabo xudduudda uu la leeyahay Suuriya.

Madaxweyne Trump ayaa warbaahinta u sheegay in mareykanku uusan ahayn “booliska caalamka”.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: