Wararka

Diyaarado duqeeyey xaafado ku yaalla degmooyinka Saakow iyo Bu’aale ee Gobolka J/Dhexe…


Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyn loo adeegsaday diyaarado xalay lagu burburiyay gaadiid ay Al-shabaab ku diyaarinayeen qaraxyo la qorsheynayay in laga geysto magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa la sheegay in lagu qaaday xaafado ku yaal degmooyinka Saakow iyo Bu’aale oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Sidoo kale duqeyntan ayaa lagu bartilmaameedsaday xarun lagu tababari jirey maleeshiyada Al-Shabaab. Illaa haddana lama oga khasaaraha ka dhashay duqeymahan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in la maqlay illaa 7 duqeyn loo adeegsaday gantaallo iyadoo la arkay holac iyo uuro ka baxayay goobaha la duqeeyay.

Lama oga halka laga lahaa diyaaradaha duqeeyay labadan magaalo balse diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Droneska loo yaqaan ayay ciidamada Maraykanka u adeegsadaan duqeynta lala beegsado ururka Alshabaab.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7819 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: