Wararka

Doon ay saarnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan oo qalibantay oo qaarkood…


Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Doon ay saarnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan oo isaga kala gooshayay xaafadaha ay saameeyeen fatahaadaha wabiga Shabelle ay saaka rogmatay, xilli ay ku guda jireen qiimeynta iyo kormeerka baaxada uu gaarsiisan yahay fatahaadaha wabiga shabeelle.

Sida wararku sheegayaan doontan oo ay saarnaayeen 20 ruux ayaa waxaa ka mid ahaa Duqa magaalada Beledweyne Safiyo Xasan Sheekh Cali, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan iyo dad kale.

Wararka ayaa sheegaya inay bad qabaan Duqa magaalada Beledweyne Safiyo iyo Guddoomiyihii hore Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, hase ahaatee waxaa jira dad kale oo la la’yahay iyo qaar markii doonta qalibantay inta ay dabaasheen dul saaran yihiin geeedaha iyo guryaha dushooda.

Dadka la la’yahay ayaa waxaa ka mid ah La Taliyaha Arrimaha Haweenka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Ciidamo ilaalinayay oo doonta la saarnaa.

Fatahaadaha uu sameeyay Wabiga Shabelle ayaa saameyn xooggan ku yeeshay xaafadaha magaalada, oo ay biyo badan gudaha u soo galeen, kana barakaceen kumanaan qoysas, waxaana xaafadaha Beledweyne iyo Wabiga ay noqdeen kuwo isku darsamay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7819 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: