Wararka

Bas ku dhacay bohol weyn oo ka dilaacday bartamaha wadada magaalada Pittsburgh ee…


Shalay subax xilli loo kala ordayay shaqooyinka islamarkaana saxmad weyn ay ka jirtay magaalada Pittsburgh ee gobolka Pennsylvania, USA ayaa waxaa mar qura wadada bartankeeda ka dilaacay bohol weyn oo uu ku dhici rabay bas iyo rakaabkii saarnaa.

Wararku waxa ay sheegayaan in xilligii uu shilkani dhacayay uu baska iyo gaari yar oo ka dambeeyayba ay taagnaayeen islamarkaana ay sugayeen leyrka casaanka ah ee gawaarida kala haga, waxaana nassiib wanaag ay labaduba si dirqi ah uga bad-baadeen shilka.

Dhacdada kadib ayaa waxaa goobta xiray ciidamada ammaanka, kuwaas oo ku wargeliyay dadka in ay goobta ka fogaadaan, waxaa sidoo kale laga qixiyay dadka guryaha goobtaasi ka agdhawaa.

Shilkan ayaa waxaa dhaawac fudud uu kasoo gaaray labo ruux oo baska saarnaa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8008 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: