Wararka

Nin waayeel 84 jir cunsuri ah oo damcay inuu dab qabadsiiyo Masjid dalka Faransiiska…


Sida ay boolisku sheegeen labo ruux oo 74 iyo 78 jir ah ayaa ku dhaawacmay weerar uu nin waayeel 84 jir cunsuri ah ku qaaday masjid ku yaal magaalada Bayonne ee dalka Faransiiska.

Odaygan cunsuriga ah ayaa damcay in uu dab qabadsiiyo masjidka, isagoona albaabka laga galo masjidka iyo roog dhulka yaalay uu gaas ku bil-bilay dabadeedna taraq raaciyay, sidaasna uu dabku ku kacay.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ninkani uu dab qabadsiiyay gawaari taalay bannaanka masjidka, ka hor inta uusan goobta ka baxsan.

Saacado kadib ayay booliska waxa ay ninkano oo ay magaciisa ku sheegeen Claude Sinké, kasoo qabteen gurigiisa oo ku yaal xaafadda Saint-Martin-de-Seignanx ee magaalada Landes.

Dhacdadan ayaa lagu tilmaamay tii ugu yaabka badneyd oo uu fuliyo waayeel 84 jir ah oo cunsuriyadda aaminsan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: