Wararka

Baarlamaanka Ingriiska oo u codeeyey in la qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyey…


Baarlamaanka Ingiriiska ayaa u codeeyay in la qabto doorasho guud oo laga soo hormariyey waqtigeeda 12ka December 2019.

Xisbiga mucaaradka ee Labor ama Shaqaalaha ayaa sheegay in ay aqbaleen doorashada kadib markii ay ka heleen balanqaad hogaamiyaasha EU in Britain aysan ka bixi doonin Midowga Yurub heshiis la’aan.

Tani waa markii afaraad oo Ra’iisul wasaare Boris Johnson uu soo gudbiyo qoraal ku saabsan in la qabto doorasho oo ku sheegay in ay tahay wadada kaliya ee looga bixi karo dhibaatada Brexit.

Tani waxay timid ka dib markii Midowga Yurub uu London u oggolaaday in la dheereeyo muddada ka bixitaanka laga bilaabo 31ka bishan October ilaa dhamaadka Janaayo sanadka soo socda.

Johnson wuxuu rajaynayaa in doorashadani uu dib u helo aqlabiyadda baarlamaanka isla markaana uu fuliyo ballanqaadkiisii ​​ahaa in dalka laga saaro EU.

Golaha ayaa ku meel mariyey aqlabiyad dhan 438 cod iyo 20 diiday, waxayna diideen mooshin ay soo gudbiyeen shaqaalaha mucaaradka oo dhigayay in doorashada laga dhigo 9-ka bisha December.

Haddii midkoodna uu heli waayo aqlabiyad ku filan, waxaa halkeeda ka sii socon doonta qalalaasaha ka bixitaanka Midowga Yurub, iyadoo ka bixitaanka ay u codeeyeen dadka reer Britain seddax sano ka hor.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: