Wararka

R/W Lebanon oo xilka iska casilay kadib banaanbaxyo xooggan oo ruxay nidaamka dalkaasi…


Ra’isul wasaaraha dalka Lubnaan Sacad Xariiri ayaa sheegay in warqada Iscasilaada uu u gudbinayo madaxweyne Michel Aoun, iyadoo dibadbaxyo xoogan oo lagu dalbanayo in ay meesha ka baxaan madaxda hadda joogta.

Ku dhawaaqida xariiri ee talaadadii ayaa ku soo aadeysa iyadoo 13-kii maalin ee la soo dhaafay ay ka socdeen dalkan carbeed banaanbaxyo ay shacabka uga soo horjeedaan shaqo la’aanta, musuq maasuqa iyo maamul xumada ka jirta Wadankaasi.

Waxaan gaarnay waqti kama dambeys ah waxaana gaarnay go’aan dhib badan si aan uga gudubno dhibaatada taagan ayuu yiri Mr Xariiri oo Khudbad ka jeediyay xarunta tv-ga dowlada ee magaalada Beyruut.

Wuxuu intaa ku daray in uu ku sii jeedo xarunta madaxtooyada si uu u gudbiyo warqada iscasilaada isaga oo tixgalinaya dalabka dibadbaxayaasha oo ah in isbadal uu ka dhaco dalka.

Shabakada wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: