Wararka

Congress-ka Mareykanka oo cod u qaaday talaabooyinkii lagula xisaabtami lahaa Madaxweynaha…


Golaha Wakiilada ee Mareykanka ayaa bilaabay Khamiista maanta waji cusub iyo iclaaminta baaritaanka eedeymaha ka dhanka ah Madaxweyne Donald Trump, iyadoo loo codeeyey markii ugu horeysay talaabooyinkii lagula xisaabtami lahaa, codeynta ayaa noqotay 232 oo ogolaatay halka 196 ay diideen.

Go’aanka ayaa looga golleeyahay in lagu muujiyo sidii loogu gudbi lahaa baaritaan lagula xisaabtamo Trump iyo xil ka qaadistiisa xafiiska oo loogu gudbi doono marqaatiyada kalfadhiyada xiran iyo dhageysiga dadweynaha oo furan.

Go’aanka ayaa habeynaya howlaha lagu wareysanayo marqaatiyada, wuxuu xadidayaa xuquuqda Madaxweynaha iyo qareenadiisa, arrintan ayaa waxay ku soo aadaysaa xilli kala qeybsanaan ballaaran ay dalka ka dhex taagneyd taageerayaasha baaritaanka iyo dadka ka soo horjeedda.

Afhayeenka baarlamaanka Nancy Pelosi ayaa tiri kahor cod u qaadista “maanta golaha wakiiladu wuxuu qaadayaa talaabada xigta hanaanka lagu qabanayo dhegeysiga furan ee horta guddiga golaha sirdoonka si shacabka ay u arkaan xaqiiqada, ”

Faaladii ​​ugu horreysay ee ku saabsan qaraarka aqalka, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray isagoo ka hadlaya cod u qaadistiisa golaha: “tani waa ugaarsigii siyaasadeed ee ugu weynaa taariikhda Mareykanka.”

Wuxuu ka digay in golaha wakiilada ay cod u qaadaan baaritaanka si ay u sharciyeeyaan la xisaabtanka iyo hanaanka casilaadiisa, taas oo dhaawaceysa suuqyada saamiyada Mareykanka.

Aqalka Cad wuxuu u arkayaa in fekerka Pelosi iyo xisbiga Dimuqraadiga ee maxkamada barlamaaniga uu yahay mid aan sharci aheyn, waxba ma yeeleyso Madaxweynaha laakin waxay wax yeeleysaa shacabka Mareykanka.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Trump uusan khalad sameynin, isla markaana ay Dimuqraadiyiinta taas ogyihiin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: