Wararka

Dhincyada isku haya siyaasada Syria oo si fool ka fool ah isku arkay shir lagu qabtay Geneva…


Dhinacyada iskaga soo horjeeda siyaasada Suuriya ayaa markii ugu horeysay isaga horyimid si fool ka fool ah tan iyo markii dagaalka sideeda sano kor u dhaafay uu ka qarxay Suuriya sanadkii 2011-kii.

Kulanka oo maanta ka dhacay magaalada Geneva ayaa ujeedadiisu tahay sidii looga xaajoon lahaa dajinta dastuur Cusub.

Waxaa madasha goob joog ka ahaa 150 xubnood oo ka kala socda dowlada, Mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka, kuwaasi oo kulan la qaatay guddiga qoraya dastuurka Suuriya.

Xubnaha gudiga oo ku howlanaa shaqadan inkabadan labo sano ayaa la filayaa in ay u bandhigaan qaabka ay u habeeyeen dastuurka cusub ka hor inta aysan u codeyn shacabka Suuriya.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Suuriya Geir Pedersen oo ka hadlay madasha ayaa qiray in aysan aheyn wax sahlan in xubnahaan ay qol isugu wada yimaadaan balse ay hortaalo howl Adag.

Mr Pedersen ayaa intaa ku daray in mustaqbalka dalka Suuriya uu gacanta ugu jiro muwaadiniinta Suuriya, balse ay iyagu kaliya ay taageeri Doonaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: