Wararka

Kooxda daacish oo maanta xaqiijisay geerida hogaamiyahooda Abu Bakr al-Baghdadi…


Kooxda Daacish ayaa Khamiista maanta ah xaqiijisay geerida hogaamiyahooda Abu Bakr al-Baghdadi kadib farriin cod ah oo ay sii deysay garabka warbaahinta “Al Furqan”, maalmo kadib markii Mareykanka uu ku dhawaaqay geeridiisa.

ISIS ayaa ku sheegtay cod la soo duubay oo ahaa afhayeenka kooxda Abu Hamza al-Qurashi in loo magacaabay Sheikh Abu Ibrahim al-Hashemi al-Qurashi inuu bedelo Baghdadi. Wuxuu intaas ku daray in wax uu ku tilmaamay Golaha Shuurada ee Dawladda Islaamiga ay isugu yimaadeen shir isla markii la xaqiijiyay in Baqdaadi la dilay.

Wuxuuna wacad ugu maray Mareykanka weeraro ka daran kuwii waqtigii ​​Baghdadi, wuxuuna ugu yeeray taageerayaasha ISIS inay u aargudaan madaxdooda.

Lagama hayo macluumaad badan qofka bedelay Baghdadi oo hadda loo magacaabay hogaamiyaha kooxda.

Qureshi ayaa sidoo kale u baroortay Abu Hassan al-Muhajir, oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha ugu caansan kooxda.

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda arrimaha dibedda ayaa Isniintii xaqiijiyay geerida af hayeenka kooxda ISIS Abu Hassan al-Muhajir, oo ahaa xubin sare oo ka tirsan kooxda, oo hawlgal kale oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka lagu dilay kadib dilkii hogaamiyihii kooxda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: