Wararka

Odayaasha dhaqanka Galmudug oo ka hor yimid heshiiska in 35 xildhibaan soo xusho Ahlu Sunna…


Odayaasha dhaqanka Galmudug oo xalay shir ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka soo horjeestay heshiiskii qarsoodiga ahaa ee dhex maray dowladda Federaalka iyo Ahlusuna, kaasoo qodob ka mid ah uu dhigayay in 35 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay soo xulaan Ahlusuna.

War saxaafadeed ka soo baxay Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in 89 ka mid ah Xildhibaanada Galmudug laga badiyo, isla markaana cidii arrintaas ku dhaqaaqda ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Odayaasha ayaa sheegay in Ahlusuna aanay awood u laheyn 35-ta Xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug ay iyaga soo xulaan.

Sidoo kale Odayaasha ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka iyo Ahlusuna inay khilaafkooda xaliyaan.

Ahlusuna ayaa dhowaan soo bandhigtay nuqul ka mid ah heshiiskii ay wada galeen dowladda Federaalka, waxaana heshiiskan qodobadiisa ka mid ahaa in 35 Xildhibaan ay soo xulaan Culimada Ahlusuna.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: