Wararka

Xeer Ilaalinta Puntland oo dalbatay in xasaanada laga qaado xildhibaan Cawil Xasan Daad…


Xeer-Ilaalinta guud ee Maamul goboleedka Puntland, ayaa dacwad ku soo oogtay xildhibaan Cawil Xasan Daad oo ka tirsan Golaha wakiilada Puntland islamarkaana dhawaan su`aal ka careysiisay madaxweyne Deni ku weydiiyay gudaha baarlamaanka maamulkaasi.

Qoraal uu baahiyay Maamulka Puntland oo la sheegay in uu ka soo baxay ku xigeenka xeer-Ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax, ayaa mudanayaasha baarlamanka looga dalbaday in ay xasaanadda ka qaadan xildhibaan Cawil Xasan Daad, si loogu oogo dacwad-ciqabeed ku saabsan ku xad-gudubka dastuurka iyo xeer-hoosaadka baarlamaanka.

Sida ku cad qoraalka xeer ilaalinta, dacwad-ciqaabeedka lagu eedeeyay xildhibaan Cawil Xasan Daad ayaa ka dhalatay su’aal uu madaxweyne Deni ku weydiiyay furitaankii kalfadhiga 45-aad ee baarlamanka Puntland.

Balse, Xeer-Ilaalintu faahfaahin kama bixin dacwad-ciqaabeedka loo haysto xildhibaanka iyo sidoo kale waqtiga la maxkamadaynayo midna.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7819 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: