Wararka

R/W Ciraaq oo sheegay inuu iscasilayo haddii la helo qof la isku waafaqsan yahay oo bedela…


Ra’isul Wasaaraha Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi ayaa sheegay inuu iscasilayo haddii uu xisbigiisa uu soo diyaariyo qofki beddeli lahaaa, hadalka Mr Mahdi oo ku soo beegmaya xilli ay mudaharaadyo dowladda Ciraaq looga soo horjeedo ka socdaan dalka Ciraaq.

Madaxweynaha dalka Ciraaq Barham Axmed Saalix ayaa sidoo kale diyaarinaya sharci cusub oo doorashada ku saabsan oo oggolaanaya in doorashada baarlamaanka xilligeeda laga soo hormariyo.

Tobannan kun oo shacab ah ayaa ka qayb qaadanaya mudaharaadyada bishan ka billowday dalka Ciraaq, iyada oo ay mudaharaadayaasha ay dalbanayaan fursado shaqo, adeegyada bulshada iyo in la soo afjaro musuqmaasuqa ku baahay dalkaasi.

Inta ay mudaharaadyadaasi billowdeen iska horimaadyo dhex maray ciidamada ammaanka iyo mudaharaadayaasha waxaa ku dhintay dad ka badan 250 qof.

Khamiisti shalay ahaydna waxaa ku dhintay hal qof oo ka mid ahaa mudaharaadyaasha magaalada baqdaad mudaharaadka ka waday oo ay xabadka kaga dhacday sunta indhaha ka ilmeysiisa.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International waxay sheegtay booliska rabshadaha ka hortaga iney ridayeen rasaasta sunta indhaha ka ilmeysiisa oo aad u badan, sunta ay shacabka u isticmaaleenna u yahay kan xoogga badan ee ciidamada looga talagalay, iyaga oo weliba mudaharaadayaasha kala beegsanaya madaxa iyo qaarka hore, iyada oo ay hay’addu caddeyn ahaan u soo dhigtay qof uu madaxa kaga dhacay.

“Waxaan haynaa caddeymo muujinaya bambooyinka sunta ee indhaha ka ilmeysiisa ee mudaharaadayaasha loo adeegsaday si xad ka bax ah, haddii si xad ka bax ah bambooyinka noocaasi shacabka loo adeegsadana ay keeni karaan dhaawac iyo dhimasho laga argagaxo” ayey tiri agaasimaha bariga dhexe u qaabilsan hay’adda Amnesty, Lyn Maalouf.

“Booliska Ciraaq waa iney ka fiirsadaan isticmaalka degdegga ee hubkaasi” ayey intaa ku sii dartay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: