Wararka

Sacuudiga oo markii ugu horeysay lagu qabtay tartanka ciyaarta musaaracada ee haweenka…


Sucuudiga waxaa markii ugu horreysay lagu qabtay ciyaarata lagdanka ama musaaracada haweenka xilli dalka uu u tallaabsaday isbaddallo ay kamid yihiin inuu dabciyo sharciyadii adkaa ee ka dhanka ahaa masraxyada madadaalada.

Tartanka lagdanka ama musaaracada wuxuu ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Riyadh, waxaa uu u dhexeeya xiddigaha Natalya iyo Lacey Evans.

Tartamayaasha

Tartankan taariikhiga ah wuxuu ka dhacay garoonka boqor Fahad ee ku yaalla Riyadh, waxaa uu qaadaya dad gaaraya 68,000.

Tallaabadan ayaa noqon kartaa tallaabo furfurnaani ka muuqato oo uu qaaday dal had iyo goor lagu dhaliilo halka uu ka taaganyahay xuquuqda haweenka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: