Wararka

Somalia iyo Qatar oo wada saxiixay heshiis ku saaban isticmaalka dayax gacmeed loo adeegsado…


Wafdiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee uu hoggaaminayo Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa waxa ay kulamo gaar ah la yeesheen Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta dalka Qatar Mudane Jassim bin Saif Al Sulaiti.

Kulamadan ayaa waxaa looga wada hadley in labada dal iskaashi dhow ka yeeshaan dhinaca isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda, gaar ahaan dhinaca maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta dalka, tababarrada iyo tayeynta awoodda shaqaalaha isgaarsiinta.

Kulammada labada dhinaca oo ku soo dhammaadey is-afgarad ayaa waxa ay qeyb ka yihiin qorshaha Wasaaradda ee sahminta saaxiibo qeyb ka qaata fulinta Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, taas oo loogu talo galay in 5ta sano ee soo socota lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka.

Dhinaca kale waxa ay labada wasaaradood wada saxiixdeen heshiis gaar ah oo ku saabsan isticmaalka dayax-gacmeed loo adeegsado arrimaha isgaarsiinta, munaasabada saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Somalia ee dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: