Wararka

Weerar argagixiso oo lagu qaaday xero ciidan oo lagu dilay askar ka tirsan dalka Mali…


Ugu yaraan 55 askari oo ka tirsan ciidanka Milatariga ee Mali ayaa lagu dilay weerar argagixiso oo ka dhacay Jimcihii shalay gobolka waqooyi bari ee dalkaas, sida ay sheegtay Dowlada.

Tani ayaa ka dhigan dhimashadii ugu badneyd ee milatariga ka soo gaarta weerarada ay geysanayaan kooxaha Islaamiyiinta.

Weerarkan lagu qaaday xerada ciidanka ee ku taal magaalada Indelimane ee gobolka Menaka ayaa dhanka kale waxaa ku dhintay hal ruux oo rayid ahaa, sida uu bartiisa twitter-ka ku soo qoray wasiirka warfaafinta Yaya Sangare.

Wuxuu intaa ku daray in hada xaalada ay gacanta ku hayaan ayna wadaan sidii lagu aqoonsan lahaa meydadka askarta ku dhintay weerarkan.

Mashaqadaan ayaa dhanka kale waxaa lagu burburiyay gabi ahaanba xerada ciidanka la weeraray waxaana ka badbaaday tobanaan askari sida ay xaqiijisay wasaarada amniga Mali.

Wadamada ku yaal galbeedka Afrika ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa ku sii xoogeysanayay weerarada ay geysanayaan dagaalyahano gacan saar la leh ururka Al-Qaacida iyo dagaalyahanada la magacbaxay dowlada Islaamka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: