Wararka

Ahlusuna oo la sheegay in ay isaga baxeen xaruntii degmada ee magaalada Dhuusamareeb…


Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Ahlusuna ay isaga baxeen xaruntii degmada oo aheyd xaruntooda ugu weyneyd ee ay ciidankooda ku sugnaayeen.

Sida wararku sheegayaan Ahlusuna ayaa la sheegay in iskood isaga baxeen xarunta, waxaana kaddib la wareegay xarunta degmada Dhuusamareeb Ciidamada Booliska dowladda Federaalka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dhammaan ciidankii Ahlusuna ay isugu uruureen xarunta INJI oo uu degan yahay Sheekh Maxamed Shaakir oo ka mid ah Hoggaanka Ahlusuna.

Xaalada magaalada Dhuusamareeb ayaa ah mid deggan, balse waxaa jirta saan saan cabsi oo ku aadan in mar walba xaalada noqon karto mid dagaal, maadaama ay jiraan dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Lama oga xeeladaha Ahlusuna ay uga baxayaan xarumahooda inay tahay mid qorsheysan iyo in kale, hase ahaatee waxaa muuqata in awooddii Ahlusuna ee deegaanadaas ay sii yaraaneyso, inkastoo xaalada mar walba is bedeli karto.

Dadka deegaanka ayaa dhegta ku haya xaaladaha is bed-bedelka leh ee ku soo kordhaya deegaanadii ay markii hore ku xoogganayaan Ahlusuna.

Saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ayaa si buuxda ula wareegay Matabaan iyo Guriceel oo ay horay gacanta ugu hayeen Ahlusuna, waxaana labadaas degmo ka dhacay iska hor imaadyo kooban.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: