Wararka

Dhallinyaro lagu eedeeyey Shabaabnimo oo Maxkamada Ciidamada ku riday xukunno kala…


Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), Cabdiqani Cali Maxamuud Cali (Buneyste), Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) ayaa loo heystaa ka mid ahaanshiyaha Alshabaab iyo inay si gaar u qaabilsanaayeen aasidda miinooyinka lagu qarxiyo gawaarida gaar ahaan deegaannada bari ku teedsan Muqdisho.

Eedeysanayaasha koowaad iyo labaad ayaa si gaar ah loogu eedeeyay ilaa iyo sagaal miino oo ah nooca gacanta laga hago oo siyaaba kala duwan loola eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM halka eedeysanaha Sedaxaad uu ahaa keyd hayaha agabka loo adeegsado qaraxyada isaga oo gambad ka dhigtay harqaan lagu talo maryaha duugga ah.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa waxa ay dhammaantood kusoo eedeyeen la shaqeynta Alshabaab iyo in ay si gaar ah ugu diyaarsanaayeen dhigidda miinooyinka gacanta laga hago, Xafiiska ayaa Maxkamadda horkeenay Qiraallo laga qoray labada eedeysane, laba markaati iyo baarihii kiiska oo isna Maxkamadda ka hor sheegay natiijada baarista hey’adaha Amniga.

Intii ay maxkamadda socotay ayaa loo ogolaaday eedeysanayaasha in ay ka jawaab celiyaan eedaha ay soo diyaariyeen xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ee sida gaarka ah loola Xiriirinayo.

Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey) oo ah eedeysanaha koowaad ayaa sheegay in hadda ka hor uu soo galay gacanta ciidamada Amniga isagoo xilligaasi tababar la xiriira sida loogu dhagro miinada gawaarida ku soo qaatay gobolka Shabeellada Dhexe, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in uu Alshabaab ku biiray September 2016.

Cali Maxamuud Cali (Buneyste) ayaa isna Garsoorka u sheegay in uu Alshabaab ku biiray 2017, waxa uu sheegay in uu ka qeyb qaatay weeraro qaraxya miinada dhulka lagu aasa ah isaga iyo eedeysanaha koowaad, waxa uuna intaas ku daray in eedeysanaha sedaxaad uu ahaa meel ay sii dhigtaan agabka qaraxyada ah iyo aaladaha kale ee lagu hago (Remote control) hasa ahaate eedeysanaha sedaxaad ayaa iska diiday in wax lug ah uu ku lahaa dhammaan eedaha loo jeediyay.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) lagu wada xukumo min 15-sano oo xabsi ciidan ah, halka Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) ay Maxkamadda amartay in lagu xukumo 5-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Sedaxda xukunsane ayaa heysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo la siman 30-cisho xukunka kadib.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: