Wararka

M/weynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo maanta gaaray degmada Baraawe…


Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa waxaa uu maanta gaaray Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka ambabaxay Magaalada Baydhabo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Baraawe.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Wasiiro iyo Xildhibaano.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa halkaasi u tagey, sidii uu u dhagax dhigi lahaa mashaariic horumarineed oo lagu wado in laga fuliyo Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

Mudada uu Madaxweyne Lafta-gareen ku sugan yahay Degmada Baraawe ayaa la fillayaa in kulamo gooni gooni ah uu kula qaato Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Degmada iyo qaybaha bulshada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7819 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: