Wararka

Wasiir Sabriye oo uga digay Ahlusuna in ay fashiliyaan hannaanka geedi socodka…


Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa uga digay Ahlusuna inay fashiliyaan hannaanka geeddi socodka dhismaha Maamulka Galmudug.

Mudane Sabriye oo xalay ka hadlayay magaalada Guriceel ayaa sheegay in sida ay haatan wax u wadaan Ahlusuna aanay ka turjumeyn arrimihii masiiriga ahaa ee go’aanka laga gaaray.

“Waxa aan arkeyno maanta ma ahan Ahlusuna sidii aan ku soo wada bilownay, kama turjumeyso arrimihiisa masiiriga ahaa ee aan go’aanka ka gaarnay, Ummadda Galmudug u sheegnay, waa dib u noqosho dhaqanka Ahlusuna ka muuqdo waa dib u noqosho, waxaa leenahay walaalaheena ha bariiqanina jid fiican ayaa ku taagneyn, ha sababina idinkoo mid yar idin gaar ah meel ciriiri ah ku jirta labadaan farood ku raadinaya in aad Galmudug fashilisaan”ayuu yiri Wasiir Sabriye.

Waxaa uu sheegay in ka dowlad ahaan ay ka shaqeynayaan in wanaaggii la wada bilaabay in lagu wada noqdo, isla markaana tabashooyinkooda ay kala fariistaan.

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka ayaa ku soo aaday shaqaaqooyin saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Matabaan iyo Guriceel, isla markaana uu bilowday dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda iyo cabsi laga qabo dagaalo ka dhaca deegaanada ay labada dhinac ku wada sugan yihiin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: