Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingriiska ee Somalia…


Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta oo Isniin ah waxaa uu xafiiskiisa Ku qaabilay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Ben Fender.

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa waxay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, iyada oo Safiirkana uu Guddoomiyaha warbixin ka siiyay howlaha baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka wadaan.

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Ben Fender Obe ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya u sheegay in Dowladda Ingiriiska ay bogaadineyso howlaha ay golaha shacabka hayaan, wuxuuna sidoo kale tilmaamay ka Dowlad ahaan ay ka go’an tahay xoojinta taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa uga mahad celiyay Dowladda Ingiriiska taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: